Jubbaland oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Hey’adda Nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,balse isku soo dhiibay ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha Hey’adda ayaa ninka magaciisa waxaa ay ku sheegeen Rayaan Sheikh Nuuur ,balse  shabaabka dhexdooda  looga yaqaano (Abuu Xamsa),isla markaana uu ahaa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Nabad sugidda Jubbaland ma bixin faah faahin intaasi dheer,hase yeeshee ay sheegeen in ninkaasi uu ka mid ahaa xubnaha sare ee Ururka Al-Shabaab ee ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iskuna soo dhiibay ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin oo ku aadan ninkaan ay soo bandhigtay Nabad sugidda Jubbaland, kaas oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Xubnaha sare ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here