Kheyre oo gurmadka fatahaadaha u magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban Sagaal xubnood oo ka shaqeyn doona fatahaadaha ay samaynayaan Wabiyada mara qeybo ka mid ah dalka.

Xubnha guddiga fatahaadaha oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga wasiirka Gar-gaarka xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna R/wasaaraha Kheyre faray guddigaas in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Sagaalka ruux ee guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu magacaabay Kheyre ayaa kala ah:

Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya Gudoomiye

Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya

Maxamed Abuukar Islow Ducaalle Wasiirka Amniga

Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka korontada iyo biyaha

Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya

Maxamed Cabdi xayir Maareye Wasiirka Warfaafinta

Isaaq Maxamed Maxamuud wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha

Saacadihii lasoo dhaafay fatahaado aad u badan oo uu sameynayo wabiga Shabeelle ayaa harqiyay magaalooyin ay ugu horeyso magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiraan, taas haatan shacab iyo maamulba ay dibadda uga carareen, waxaana la soo sheegayaa dad ku go’doonsan gudaha magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here