Kulankii golaha shacabka oo looga dooyay fatahaadda Wabiyada eedeyna loogu jeediyay Xukuumadda

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dood adag uga yeesheen fataahada uu wabiga Shabeelle ka geystay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan, gaar ahaan magaalada xarunta u ah gobolkaas ee Beledweyne.

Xildhibaannada ayaa sheegay in loo baahanyayay in si deg deg ah gurmad loo gaarsiiyo dadka ku barakacay fatahaadda uu sameeyay wabiga Shabelle, kuwaas oo haatan xaalad bini’aadinnimo ay ku heysato duleedka magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa ay kulankii maanta ka sheegeen xildhibaannadu in xukuumadda federaalka ay ka gaabisay dadka ku nool gobalka Hiiraan, maadaaama ay dadkaas la daallaa dhacayaan dhibaatooyin is biirsaday, kuwaas ay ugu darantahay fatahaada guryahoodii ka saartay.

Deegaanno iyo degmooyin hor leh oo ka tirsan goballada dalka kuwooda ay wabiyadu maraan ayaa laga cabsi qabaa in uu fatahaad ka sameeyaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana la soo sheegayaa i  haatanba deegaano badan looga qaxay cabsi laga qabo fatahaadda wabiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here