Maamulka G/Banaadir oo Albaabada u laabay xarun ganacsi xabsigana dhigay dadkii lahaa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa albaabada isugu dhiftay xarun la sheegay in lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, taas oo ku taalay Isgoyska KM-4 ee gobolka Banaadir, iyagoo xabsiga dhigay dadkii ku shaqeysanayay.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-alle  ka mid ah xubnihii tagay goobta ayaa sheegay in xaruntaas lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, sida warqadda dhalashada iyo sugnaanta ee laga bixiyo xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Isaga oo goobta kula hadalay warbaahinta ayuu sheegay in ay jiraan xarumo kale oo suuqaasd madow ku shaqeeya, balse uu maamulka gobolku daba gal ku sameyn doono cidii lagu qabtana sharciga la hor keeni doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here