Maamulkii degmada Afgooye oo xilkii laga qaaday iyo maamul cusub oo la magacaabay

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa guddoomiye iyo xoghaye cusub u magacaabay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wareegtada lagu magacaabay xubnahaas ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee magaalada Afgooye iyo xog hayihii degmada.

Ibraahim Cumar Qaasim ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Afgooye, halka xog hayaha degmadana loo magacaabay Maxamed Cali Cadow, waxaana wareegtada lagu faray xubnaha la magacaabay in xilka loo igmaday ay si hufan u gutaan.

Halkaan ka akhriso warqadda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here