Maareeyihii Garoonka Beledweyne oo la bedelay

Wasaaradda gaadiidka ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maareeye cusub ay u magacaabeen Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maareeyaha cusub ayaa lagu magaacaabaa Yuusuf Axmed Diiriye waxaana wareegtada lagu magacaabay xilka looga qaaday maareeyihii hore ee garoonka.

Xafiiska ku simaha wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Hir-Shabeelle ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda ayey ka soo baxday warqadda magacaabista iyo xilka qaadista maareeyaha Garoonka Diyaaradaha nagaalada Beledweyne.

Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ayaa xilligan u baahan dayac tir, maadaama ay ay samayn xoog leh ku yeesheen roobabkii ka da’ay dalka, kuwaas oo sababay in gabi ahaanba uu xirmo, waxayna diyaaraduhu Beledweyne uga degaan magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here