Madaxweynaha cusub ee Srilanka oo xafiiska la wareegay

Madaxweynaha cusub ee dalka Srilanka Gotabaya Rajapaksa ayaa
maanta la wareegay xafiiska maalin kadib doorashadii dalkaasi ka dhacday.


Hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu dhaarinayay ayuu ku sheegay inuu
muhiimadda koowaad siinayo amniga iyo wax ka qabashadda saboolnimada.


Wuxuu sidoo kale balan qaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa oo
dalkaasi aad uga jira

Gotabaya Rajapaksa oo dhawr iyo todobaatan jir ah horeyna usoo noqday
sargaal ciidamada ah ayaa helay 52.25% codadkii Sabtigii dadka Srilanka
dhiibteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here