Madaxweyne Farmaajo oo furaya kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaayo ayaa maanta furaya kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadda iyo martisharaf lagu casuumay furitaanka ayaa ku sii qulqulaya xarunta tababarka Ciidanka Booliiska ee General Kaahiye.

Gudoomiyaasha labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Safiiradda qaar ka mid ah dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa ka qayb gelaya furitaanka kalfadhiga lixaad.

Madaxweyne Farmaayo ayaa Kudbad ka jeedin doona Baarlamaanka hortiisa waxaana uu ka hadli doonaa xaaladda wadanka.

Arrimaha sida gaarka loo sugayo in uu madaxweynuhu ka hadlo waa amniga, Siyaasadda, dhaqaalaha, khilaafka Dowladda Faderalka kala dhexeeya maamul goboleedyadda iyo gaar ahaan arrimaha Jubbaland.

Amniga magaaladda Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan wadooyinka xarunta General Kaahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here