Madaxweyne Farmajo oo u safray Ruushka

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u safray dalka Ruushka oo ay uga qayb galayaan shir u dhexeeya Qaaradda Africa iyo Ruushka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Waiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Waiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amardambe iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Nuur Diiriye Xirsi.

Shirka oo ka dhacaya magaaladda Suchi ayaa socon doonta 23-ka iyo 24-ka bishaan waxaana ka qayb gelaya shirkado Ruushka laga leeyahay iyo Madaxweyne Vladimir Putin.

Sidoo kale waxaa shirka ka qayb gelaya dhamaan dalalka Midowga Africa waxaana si gaar ah diiradda loogu saari doonaa iskaashiga Ruushka iyo Africa. Waxaa la filayaa in Ruushku ku dhwaaqyo balaayiin doolar oo uu ku maalgashanayo Africa.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu shir doceedyo la yeelan doono madaxda shirka ka qayb geleysa.

Horay, madaxda Qaaradda Africa waxay uga qayb galeen shirar ka dhacay wadamadda Shiinaha iyo Japan oo ka mid ah dalalka sida adag ugu loolamaya khayraadka Qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here