Maraykanka oo cune-qbateyn kusoo rogay Turkiga

Maraykanka ayaa cune-qabateeyay laba wasaaradood iyo sedax sarkaal ee Dowladd Turkiga taasi oo uu jawaab uga dhigayo weerarka uu wadanku ku qaaday waqooyiga Siiriya.

Madaxweyne Donald trump ayaa sidoo kale wacay dhigiisa Racep Tayyip Erdogan si uu uga dalbado xabad joojin deg-deg ah, sidaasna waxaa warbaahinta u sheegay Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Pence ayaa shegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu safri doono gobolka.

Ciidanka Dowladda Siiria ayaa galay deegaano ka tirsan waqooyi bari taasi oo ay ka dhalan karto in ay isku dhacaan xoogagga uu Turkigu hogaaminayo.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay magaaladda Washington ayaa xoghayaha lacagta Steven Mnuchin waxaa uu sheegay in ay cune-qabateyntu aad u adagtahay islamarkana ay saameyn adag ku yeelan  karto dhaqaalaha Turkiga.

Jawaab ahaan Dowladda Turkigu waxay sheegtay in dib u eegi doonto wada shaqaynta ay la leedahay Midowga Europe sababtoo ah dhaqankooda sharci darrada iyo eexda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here