Mareykanka oo cunaqabateyntii ka qaaday dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in laqaaday dhamaan cuna qabateynadii la saaray dowladda Turkiga kadib weerarkii ay ku qaadeen waqooyi bari dalka Suuriya.

Go’anka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo.

Isaga oo ka hadlayay Magaalada Washintoon ayuu sheegay Mr Trump in Dolwadda Turkiga ay u balan qaaday nin ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya.

”Cunaqateenada waa la qaaday marka ilaa aan ka aragno waxyaabo aanu ku faraxsanyn ee gobolaasi ka dhaca ma jiri doonaan cuna qabateynno kale”, sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay madaxeyne Trump.

Sidoo kale madaxwaynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Turkiga iyo Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here