Mas’uul ka tirsanaa maamulka Kismaayo oo toogasho lagu dilay

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Kismaayo loogu geystay gudaha magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Axmed Buula Ibrahim, kaas oo ahaa gudoomiyihii xaafadda Via Afmadow ee magaalada Kismaayo .

Dad xaafadaas ayaa sheegay in mas’uulkaasi ay toogasho ku dileen kooxo ku hubeysnaa Bistoolado oo durba goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu dilku ka dhacay ay gaaareen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgallo lagu baadi goobayo raggii fuliyey dilka ka bilaabay xaafadda Via Afmadow ee degmada Kismaayo.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay toogashadaasi, balse baaritaanada ayaa lagu soo warramayaa in weli ay  ka socdaan gudaha degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here