masuuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan oo ay doon la degtay

Doon ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lasheegay in ay ku degtay biyaha ku fatahay magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka.

Dadaad hor leh ayaa ku soo rogmaday magaaladda kadib markii xalay uu da’ay roob badan oo uga sii daray xaaladda Baladweyne.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay in doonta deg-tay ay la sodeen masuuliyiin ka tirsan maamulka magaaladda iyo kuwa gobolka. Sidoo kale doonta waxaa saarnaa askar iyo agabkii xafiisyadda maamulka.

Xalaadda fatahaadda ee magaaladda Baladweyne ayaa kasi dareysa waxaana lagu soo waramayaa in ay dadka ku adagtahay in ay ka baxaan xaafadaha magaaladda.

War ayaa sheegaya in la’ayahay qaar ka mid ah dadkii doonta la socday oo ay ka mid yihiin Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Duqa magaaladda Baladweyne Safia Xassan Sheikh.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin xaalka ay ku suganyihiin balse waxaa socda dadaal loogu gurmanayo dadk ay doontu la degtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here