Maxkamadda ICJ oo u yeertay Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadd Caalamiga ee Cadaaladda ayaa u yeertay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya si ay ugala hadasho kiiska badda ee maxkamadda yaala.

Dowladda Kenya ayaa maxkamadda u gudbisay codsi cusub oo ah in dhageysiga dacwadda badda laga dhigo bisha September ee Sanadka 2020 ka, taasi Dowladda Soomaaliyana ay si adag u diiday.

Sida ay xaqqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Garyaqaanka Guud ee Kenya Kennedy Ogeto ayaa ku sugan magaaladda Heague ee ay maxkamaddu ku taalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in dacwadda badda la dhageysto 4 November, xilligaas oo ah waqti ay ICJ u asteysay dhageysiga markii ay laba bilood dib ugu dhigtay codsi ka yimid Kenya.

Kenaya ayaa ku doodeeysa in ay u baahantahay waqti dheeri ah si ay u qorato garyaqaano ka difaaca doodda Soomaaliya.

Maxakamadda Caalamiga ah ee Cadaladda ayaa lafilayaa in ay soo saarto go’aan kale oo ku saabsan dacwadda badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here