Muran ka taagan gacan ku heynta Ceelasha Biyaha iyo ciidamo ku dagaalamay

Ciidamo ka wada tirsan kuwa amniga Soomaaliya ayaa ku muransan gacan ku heynta degaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ayaa KNN u xaqiijiyay in Taliyaha ciidamada dowladda ee ku sugan Siinka dheer, sidoo kalane qaabilsan sugidda amniga shaqaalaha ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidan ka tirsan kuwa degaanka ay ku dagaalameen Ceelasha Biyaha.

Taliyaha ciidamada Siinka-dheer ayaa xalay ciidamada ku sugan degaanka Lafoole ku amray in ay ka baxaan Ceelasha, waxaana la sheegay in ay saakay ay isa soo abaabuleen halkaasna uu ka dhacay dagaal kooban.

Wali waxaa deegaanka Ceelasha Biyaha ka taagan xiisad u dhaxeysa labada dhinac waxaana hakad ku jira isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here