Nin hubaysan oo saakay lagu toogtay Dhuusamareeb

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho saaka ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Toogashada ayaa timid, kadib markii nin hubeysnaa uu isku dayey inuu xoog ku galo gudaha saldhigga Booliska magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Booliska Saldhigga ay toogasho ku dileen ninkaasi, kadib markii uu diiday inuu istaago.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi iyo sidoo kale waxa uu damacsanaa.

Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii dambe la xoojiyey, iyadoona la filayo in dhowaan lagu qabto doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here