Qarax askar lagu dilay oo ka dhacay Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ilaa seddax askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ay geeriyoodeen, kadib markii qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxaysa deegaanada Bariire iyo Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose. 

Seddaxda askari ayaa la sheegay in ay wateen Moota nuuca loo yaqaano labalugaalay (FEKON), isla markaana ay ka soo baxeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararku waxay intaas ku darayaan in askartaas ay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho, balse ay u wada geeriyoodeen qaraxii miino ee lala beegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here