Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax lagula eegtay wadada Makka Almukarama ee Magaaladda Muqisho.

Qaraxa oo dhacay saacadihii hore ee saaka ayaa lala beegsaday gaari ay leedahay Dowladda Hoose gaar ahaan waaxda nadaafadda Gobolka Banaadir.

Goob jogeyaal ayaa xaqiijiyay in miino lagu dhex qariyay Jawaanadda qashinka lagu aruuriyo islamarkaana ay qaraxday markii jawaanka la saaray gaariga.

Sedax qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxa miinada waxaana la geeyay goobaha caafimaadka.

Gaadiidka nadaafadda ee Dowladda Hoose ayaa subax walba qaada qashinka, waana markii ugu horreeyasay ee qarax nuucaan lala beegsado shaqaalaha iyo gaadiidka nadaafadda ee gobolka Banaabadir.

Majiro war kasoo baxay maamulka gobolka oo qaraxa ku saabsan. Manajirto cid weli sheegatay masuuliyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here