Rabshado laga cabsi qabo in ay hareeyaan doorashada ka bilaabatay dalka Mozambique.

Waxaa gobolo badan oo katirsan dalka Mozambique laga furay goobaha cod bixinta doorashada madaxtooyo iyo tan baarlamaan ee dalkaasi.

Inkastoo laga cabsi qabo in qeebo badan oo dalka Mozambique ah ay ka dhacaan qalalaaso haddana waxaa jiro heshiis nabadeed oo u dhaxeeyo xisbiga talada haya iyo mucaaradka hubaysan.

Ku dhawaad 13 milyan oo ruux ayaa loo diiwaan galiyay in ay codkooda dhiibtaan, iyadoona kor joogayaasha doorashada ay ka digayaan in goobaha qaar ay ka dhici karaan falal lid ku ah amniga.

Tirinta codadka ayaa la bilaabi doonaa kadib markii lasoo xiro goobaha cod bixinta galinka dambe ee maanta. Natiijada doorashada baarlamaaniga ayaana lagu wadaa in lagu dhawaaqo maalinta Arbacada.

Ku dhawaad 44 ruux ayaa lasheegay in ay dhinteen inta lagu guda jiray ololihii doorasho iyadoona dadkalana lasoo wariyay in ay dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here