Rag loo heysto dilka guddoomiye ku xigeenkii Maxaas oo maxkamad lasoo taagay

Maxkamadd Ciidanka Qalabka Sida ayaa maanta lasoo taagay laba nin oo loo heysto in ay ka dambeeyeen dilkii gudoomiye ku xigeenkii Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Raggaan yaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen qarax garigiisa loogu xiray oo uu ku dhintay gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda u qaabilsanaa Maxaas.

Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi oo ahaa guddoomiyihii hore ee Degmadda Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa loo heeystaa in ay ku lug lahaayeen Qaraxii horraantii sanadkaan lagu dilay Cabdirashiid Cusmaan Carab.

“Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ciidammada Qalabka Sida, iyagoo loo heysto eedeymo lala xiriira Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,” ayuu baahiyay TV-ga Dowladda.

Qarax gaari lagu xiray oo Degmadda Maxaas ka dhacay 19-kii April ee Sanadkaan ayaa lagu dilay Cabdirashiid Cusmaan Carab oo amniga iyo siyaasadda u qaabilsanaa Degmadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here