RW Ciraaq oo codsaday in la joojiyo dibadbaxyada dalkiisa ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa weydiistay dadka banaanbaxayaasha ah in ay joojiyaan rabshadaha ay wadaan.

R/wasaarahuhu waxaa uu sheegay inuu ogolyahay wada hadal uu la galo abaabulayaasha dibad baxayaasha waxaana uu codsaday in rabashadaha la joojiyo.

Sidoo kale R/wasaare Caadil waxaa uu sheegay in intii ay dibadbaxyadu socdeeen dawladu khasaartay malaayiin doolar oo lacag sidaas darteed la furo albaadada ganacsiga.

Dhanka kale illaa 3 ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii dad banaan baxaya ay weerareen qunsuliyadda Iran ee ku taala magaalada Karbala oo ah magaalo ay Shiicatu ku badan tahay.

Ciidamada amaanka ayaa rasaas ku kala cayriyay dad ku xoomay dhismaha qunsuliyada taasoo keentay geerida 3 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here