Sawirro: Axmed Madoobe oo helay taageero ka difaaci karta dagaalka siyaasadeed ee Dowladda Dhexe

Madxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa helay taageero uu ku laba jibaari karo hardanka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Xukuumadda Federalka ah ayaa diiday in ay aqoonsato natiijadii doorasho uu kusoo baxay Axmed Madoobe oo Kismaayo lagu qabtay dabayaaqadii August waxaana wixii xilligas ka dambeeyay laba jibaarmay khilaaf Dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland.

Inkasta oo Xukuumadda Federalku isku dayday talaabooyin ay ku baajineyso caleemasaarka Axmed Madoobe ayaa hadana ugu damabeyntii waxaa suura gashay in Kismaayo ay isugu tagaan martida ka qayab geleysa caleemasaarka Madoobe.

Diyaarad ay u tag weysay Dowladda dhexe ayaa kaalin fir-fircoon ka cayaartay in martidu isugu tagaan magaaladda Kismaayo.

Diyaaradda oo maamulka Jubaland uu sheegay in uu soo iibsaday ayaa 5-tii bishaan waxay ka degtay magaaladda Ksimaayo iyadoo jabisay amar ay Dowladdu kusoo rogtay diyaaradaha oo ahaa in ay Muqdisho soo maraan mark ay Kismaayo kasoo baxaan ama u socdaan.

Sidoo kale diyaaraddu waxay maanta Garowe kasoo qaaday wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waxayna toos uga dejisay magaalada Kismaayo.

Siyaasiyiinta dhaliilsan qaabta ay Dowladdu u shaqayneyso oo ay hor boodayaan Madaxweyneyaashii hore iyo Madaxweynaha Puntland ayaa taageero u muujiyay madaxweynaha Jubaland taasi oo ka saacideysa in uu iska caabiyo dagaalka Siyaasadeed ee Dowlada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here