Shariif Sheikh:“Ma aqbali karno Xooggaga waddaniyiinta la dhaho noo codeeya”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo maanta loo doortay inuu hoggaamiyo Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo la magac baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay ujeedka Madashan, isagoo ka mahadceliyay kalsoonida loogu doortay inuu hoggamaiyo.

Sheikh Shariif ayaa sheegay in dowladda aysan weli caddeyn jidkii doorasho lagu geli lahaa, isla markaana aanay aqbalin wax mugdi ku jiro in la sameeyo.

Waxaa uu sheegay in aanay aqbali karin in la uruuriyo koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta in doorasho lagu galo, isla markaana aanay raalli ka noqon karin wax aan heshiis lagu aheyn in la sameeyo sida uu yiri.

“Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno,dowladdu inadhaheeda ha furto shalay Xasan Sheikh School Polizia in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay,dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabay”ayuu yiri Shariif Sheikh.

Isbaheysigan cusub oo ay ku mideysan yihii Madasha Xisbiyada ayaa waxay cadaadis weyn ku saari doonta dowladda federaalka, sidii ay dalka uga hirgelin laheyd doorashooyin, isla markaana waxaa uu soo afjari doonaa hamigii dowladdu ka laheyd inay muddo kororsi sameysato.

Halkaan ka Daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here