Shir ku saabsan amniga doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarrunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.

Ajeedka kulanka labada dhinac ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka.

Kulanka ayaa Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe waxa ay guddiga uga warbixiyeen qaabka ay u sugi karaan ammaanka goobaha lagu wado in doorashada dalka ka dhici doonto 2021-ka.

C/laahi Abuukar Xaaji Eng Carab guddoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kaga mahad celiyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan ee ay ugu sharaxeen guddiga qaabka ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka goobaha lagu qaban doono doorashada dalka ee sanadka 2021-ka.

Guddiga ayaa maalmahan waday kulamo ay la qaadanayaan cid kasta oo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here