Shir u socdo xubno ka tirsan dowladda iyo Dowlad Goboleedyada

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa maalintii labaad ka socda  shir u dhaxeeya wasiirada ganacsiga iyo warshadaha heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa hindise Sharciyeedka dhismaha Shirkadaha Ganacsi ee dalka.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiirka ganacsiga Soomaaliya,Guddiga Maaliyadda & Ganacsiga ee Aqalka Sare, Sanoter Cabdiraxmaan Faroole, iyo wasiirada ganacsiga Dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Shirka ayaa qorshihiisu waxaa uu yahay in wadatashi la geliyo hindise Sharciyeedka Shirkadaha si loogu gudbiyo Aqalka Sare si ay uga doodaan,isla markaana u ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here