Shirkadda Jubba Airways oo dacwad ka furtay dalka Kenya

Shirkadda Jubba Airways ayaa dacwad ka furtay Maxkamadda Sare ee Kenya, ayada oo ku dooday in diyaaraddii sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo ay fasax la’aanteeda isticmaasha ruqsaddeeda.

Jubba Airways ayaa kiiskeeda ku sheegtay in diyaaraddan oo ay lahaayeen ganacsato ku duushay Ruqsadda Jubba Airways, iyadoo aysan wadin duuliyayaashii shirkadda, islamarkaana aysan shirkaddu ka war hayn, waxaana diyaaradaas duuliye ka ahaa nin lagu magacaabo Alex oo Kenyan ah.

Kiiska Jubba Airways ay u gudbisay maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku eedeeyey Alex, oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Kismaayo ka degtay, inuu waday diyaaradda oo magaca Jubba Airways ku diiwaan gashan, iyadoo  dalbatay in Nairobi laga xanibo diyaaradii ku duushay ruqsadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here