Soomaliland oo ka digtay in hub lasiiyo Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliland ayaa soo jeedisay digniin ah in Dowladaha taageera Dowladda Faderalka ee Soomaaliya ay hub siiyaan.

Wasiirka Warfaafina Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta kula halday magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay jiraan Dowlado hub ku taakuleynaya Dowladda Soomaaliya.

Gaar ahaan, Dowladaha Turkiga iyo Eritrea ayuu sheegay in hub siinayaan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya wuxuuna beesha caalamku ugu baaqay in ay la socdaan dalalka uu sheegay in jabiyeen cuneqabateynta hubka ee saran Sooomaaliya.

 Wasiika ayaa hadalkiisa ku daray in hub xilligaan la siiyo Soomaaliya uu khatar u yahay nabad geliyadda Soomaaliyaland iyo amaanka gobolka islamarkaana aysan xukuumadda federal-ku awood u lahayn in uusan hubku gacmaheeda ka bixin.

Ma ahan markii u horreeysay ee Soomaaliland ay soo jeediso baaqaan balse waxa hadda soo cusbooneysiiyay ayaa lala xiriirinayaa war todobaadkaan soo baxay oo shegaya in Dowladda Soomaaliya ay Turkiga yo Eritrea weydiisatay ciidan iyo hub si ay uga adkaato Al-shabaab.

Xukuumadihii isaga dambeeyay ee Soomaaliland ayaa baqdin ka muujinayay in hub lasiiyo Soomaaliya uu waxyeeli karo nabadda a jirta Goboladda Waqooyi.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta Ciidan Booliis iyo Military isugu jira waxaana ay qalabeysaa Ciidanka marka ay tababarka dhameystaan, balse Dowladda Turkkigu waxay la socotaa dhaq-dhaqaaqa ay sameynayaan ciidanka ay tababartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here