Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska oo maanta gaaray Dhuusamareeb, Sawirro

Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Taliye ku xigeenka ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay dib u habeynta Ciidanka booliska maamulka Galmudug, ee ku kala sugan deegaanada maamulkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa kol hore la wareegtay ammaanka degaanadii ay gacanta ku hayeen Ururka Ahlu-Sunna, kuwaas oo ay ugu horeeyaan magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here