Taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada wadooyinka oo lagu dilay Gaalkacyo

Koox hubaysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dishay Maxamed Faarax oo ahaa Taliye ku-xigeenkii ciidamada ilaalada wadooyinka ee Puntland.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka loo geystay taliyaha.

Koox bistoolado ku hubaysan ayaa dishay taliye Maxamed Faarax, waxaana u suura gashay in dilka kasib ay goobta is kaga baxsadaan.

Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Gaalkacyo iyo Booliska gaarka ah ee Puntland ayaa baaritaano ka dhan ah ragii dilka geystay ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here