Thabit Cabdi: “Waa laga gaabiyey fulinta ballan qaadyadii qaraxii 14-kii October”

Guddoomiyihii hore ee maamulka goobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed ayaa ka sheekeeyey xasuustiisa ku aadan qaraxii xooganaa ee 14-kii October oo maanta laga joogo muddo 2 sano ah.

Thabit oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in aan sinaba looga kabsan doonin dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Thabit oo xiliggaasi ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in weli uu xusuusto gurmadkii loo fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi iyo sida ay ugu midoobeen Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale uu sheegay in laga gaabiyey in la fuliyo ballan qaadyadii iyo talo soo jeedintii Guddigii Gurmad Qaran, si loogu diyaar garoobo ama looga gaashaanto dhibaatooyinka noocaan oo kale ah.

 “Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda in ay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas weyn geysata meel looga soo wada jeesto, balse ma aysan dhicin, waxaa loo baahanaa dad ku haga oo hoggaamiya kuna horkaca, si loo xaqiijiyo himiladaas, habacsanaan dhacda iyo ilduuf ka dhacay dowladda, fursadaas ay ka dayacantay dareenkii maalintaas bannaanka u soo baxayna aan laga faa’ideysan, waxay noqotay mid la hilmaamay dadkiina guryahooda isaga laabtaan,”ayuu yiri Thabit Cabdi Maxamed.

Qaraxan oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale ayaan weli ka go’in xasuusta dadka Soomaaliyeed, iyadoona maanta labo sano kaddib laga xusayo gudaha magaalada Muqdisho, waxayna shacabka caasimadda iskugu soo baxeen Isgoyska 14-ka October halkaas oo ay kula hadlayaan xubno ka tirsan madaxda ugu sareysa dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here