Turkiga oo hawlgal milatari ka bilaabaya Waqooyiga Suuriya.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Turkigu waqti dhaw uu hawlgal milatari ka bilaabayo Waqooyiga dalka Suuriya.

Waxaana halkaasi sidoo kale ku sugan dagaalamayaasha Kurdiyiinta oo Mareykanka ka caawiyo la dagaalanka kooxda Isis.

Warsaxaafadeed laga soo saaray aqalka cad ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanku aysan taageeri doonin hawlgalka Turkiga.

Macado in tani lamacna tahay in Mareykanku uu Waqooyiga Suuriya kala baxayo 1,000 askari ama dhamaan askartiisa.

Madaxa warbaahinta ee Aqalka Cad ayaa sheegay in arintani ay timid kadib markii ay qadka taleefanka ku sheekayteen madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Recep Tayyip Erdogan.

Aqlka Cad ma’uusan ka hadlin waxa ku dhici kara dagaalamayaasha Kurdiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here