Waa maxay War(News)?

Ereyga war (news) waxaa lagu qexaa war cusub “wax aan hore loo maqlin” isla markaasna isbedel sameeya, si guudna marka loo macneeyo waxaa lagu qeexi karaa akhbaar cusub oo raad ku reebta dadweynaha.

Sidoo kale waxaa lagu qeexi karaa, waa sheegida ama ka hadalka fal dhacay oo maqalkiisu bulshada ugub ku yahay.

Marka la joogo saxaafada warka waxaa loo kala qeybiyaa labo qeyb, war fudud(Soft News) iyo war adag(Hard News).

War fudud(Soft News) qeybtaan waxa ay gaar u tahay war ka sameynta sheekooyinka quseeya arimaha bulshada, tusaalle ahaan, dhaqanka, caafimaadka, waxbarashada iyo shaqsiyaadka hal-abuurka hirgalay la yimid.

War adag(Hard news) waa wararka ku saabsan xaaladaha adag ee bulshada soo wajaha, tusaalle ahaan, dagaalada, dhaq-dhaqaaqyada siyaasadees iyo musiibooyinka.

HABKA WARARKA LOO DIYAARIYO

Habkaan ayaa ah kan ugu muhiimsan ee warka ka dhigi kara mid bulshada xiisa galiya.

Waxaa jira todobo qodob oo lagama maar-maan u ah sameynta warka, waxaana qasab ah in ugu yaraan Afar ka mida laga helo warkasta, waxa ayna kala yihiin.

1-WATH——————MAXAY

2-WHERE————–XAGEE

3-WHEN—————-GOORMA

4-WHO——————KUMA

5-WHY——————-SABAB

6-HOW—————– SIDEE

Fiiro gaar ah ugu yaraan waa in 4 ka mid ah suu’alahan ama ka badan waa in laga helaa warka ama sheekadda aad diyaarinayso, tusaalle haddii aad akhristayaasha ama dhageestayaasha aad u soo gudbineyso shil ka dhacay meel ama wado waxa aay kaa doonayaan in ay ogadaan goorta uu shilku dhacay, iyo cidda wax ku noqotay, sida ay wax u dhaceen iyo sababta eey wax u dhaceen iyo xaalkii dadka shilka wax ku noqday halka uu ku dambeeyay shilka kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here