Waqtiga ay bilaabaneyso cayaarta kooxaha Real Madrid iyo Real Betis oo la shaaciyay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa raadinaysa guusheedii saddexaad oo xiriir ah tartammada oo dhan marka ay garoonkeeda Bernabeu caawa oo Sabti ah ku soo dhoweynayso Real Betis.

Kooxda uu hoggaamiyo  macallin Zinedine Zidane ayaa 5-0 uga soo badisay Leganes Arbacadii, waxaana ay u soo dhaqaaqeen kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, halka Betis ay fadhiso kaalinta 16-aad ee kala horreynta horyaalka kaddib markii ay la yimaadeen 12-dhibcood 11 kulan oo ay dheeleen.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti, 02 Nov 2019

Saacadda ay bilaabaneyso cayaartu waa 11:00pm habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Jose Maria Sanchez Martinez (Spain)

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wararka Kooxaha:-

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Alvaro Odriozola ayaa dib u sll aabtay kaddib ganaax uu la maqnaa, waxaana uu kasoo muuqan karaa dambeedka midig, isagoo booskaas ka bedeli kara Dani Carvajal.

Ferland Mendy ayaa la filayaa inuu booska daafaca bidix ka qaato Marcelo.

James Rodriguez ayaa ka maqnaanaya kooxda kaddib markii uu dhawaan Aabe noqday, halka Gareth Bale uu qabo dhaawac kubka ah.

Dhinaca kale  Real Betis ciyaaryahankeeda Rubi ayaa ka soo muuqan kara saddexda daafac ee dhexe oo safka hore ugu soo bilaabanaya Betis oo u safreysa caasimadda Spain.

Javi Garcia oo dhaawac uu dhawaan soo gaaray ayay ka tagtay kooxda safka ah, iyadoo ay macquul tahay in labada xiddig ee khadka dhexe Sergio Canales iyo Andres Guardado isku dheeli tiran yihiin.

Loren Moron ayaa la rajaynayaa in laga doorbido Borja Iglesias, iyadoo ay ugu wacan tahay wax ka badelka nidaamka ay kooxdu u ciyaareyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here