Duqa degmadda Garowe oo la afduubtay

Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaaladda Garowe ayaa lagu eedeeyay in ay afduubteen Duqa Caasimadda Puntland islaarkaana uu u xiranyahay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, ayaa ku baaqay in si degdeg ah sharciga la horgeeyo seddax xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka degmada Garowe, kuwaas  oo uu ku eedeeyay in ay afduub u geysteen guddoomiye Axmed Barre duqa degmada Garowe.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in aysan ka wasaaradd ahaan ka leex leexandoonin sidii tilaabo looga qaadi lahaa seddaxda xubnood oo uu sheegay in ay ka mid yihiin golaha deegaanka degmada Garowe, isla markaana ay dhawaan furayaan dacwadooda.

Laamaha maamulka Puntland ee ay quseydo arintaas ayuu faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgalaan sidii looga jawaabi lahaa falka lagula kacay duqa caasimadda Puntland, waxuuna sheegay in falkaas uu yahay mid wax u dhimaya dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here