Xaaji Saciid Ciise Adoon oo caawa la dilay

Dabley hubaysan ayaa caawa salaadii cishe kadib magaalada Kismaayo ku dishay mid ka mid ahaa Salaadiinta reer Jubbaland.  

Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo, kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay.

Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxeyna dadka xaafadaas Somsoon.com u sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo halka uu dilku ka dhacay baaritaano ka bilaabay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ganacsade Adoon oo ragga dilay ay ku sugayeen iridda hore ee gurigiisa.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa marka laga yimaado in ay magaalooyinka kale ee dalka ula simantahay weerarrada Argagixiso, waxaa iyada u dheer siyaasado cakiran oo ay cagaha la gashay waxii ka dambeeyay markii uu dhamaaday waqtigii hore ee xil heynta Madaxweyne Axmed Madoobe. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here