Xasan Sheekh ” dib u dhacu ma wadadii meel ka baxsan maxkamadda xalka lagu gaari lahaayaa”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu ku daabacay  cinwaankiisa  twitterka waxa uu su’aal ka keenay sababta ay Dowladdu u sharixi weysay dib u dhaca dhageysida dacwadda badda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  shegay in shacabku ay u baahanyihiin a ogaadaan sababta dib loogu dhigay dacwadda. “Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee taala maxkamada ICJ?” ayuu isweydiiyay Madaxweynihii hore

“Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey”ayuu ku qoraalkiisa ku daray.

 Madaxweynihii hore ayaa qoralkiisa ku muujiyay in dib u dhaca ku yimid dhageysiga dacwadda uu yahay mid hor u dhac u ah in kiisla lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.

“Tani ma wadadii meel ka baxsan maxkamadda xalka lagu gaari lahaayaa?” ayaa ka mid ah su’aalaha uu is weydiiyay Madaxweynihii hore.

Warkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sii xoojinaya shaki ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii meel aan ahayn maxkamad loogu xalin lahaa dacwada badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here