Xildhibaanki ka xanaajiyay Dani oo wajahaya caqabado Garsoor

Xeer-Ilaalinta guud ee maamulka Puntland, ayaa dacwad ku soo oogtay xildhibaan Cawil Xassan Daad oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland.

Qoraal lagu baahiyay bogga Telefishinka maamul goboleedka Puntland oo la sheegay in uu ka soo baxay ku xigeenka Xeer-Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa mudanayaasha Baarlamaanka oo looga dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xildhibaan Cawil Xassan Daad, si loogu oogo dacwad ku saabsan su’aalihii uu weydiiyay madaxweune Dani markii furayay kalfadhiga 45aad ee  baarlamaanka maamulka.

Sida ku cad qoraalka xeer ilaalinta, dacwad-ciqaabeedka lagu eedeeyay xildhibaan Cawil Xassan Daad ayaa ka dhalatay su’aal uu madaxweyne Dani ku weydiiyay furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland.

Balse, Xeer-Ilaalintu faahfaahin kama bixin dacwad-ciqaabeedka loo haysto xildhibaanka iyo sidoo kale wakhtiga la maxkamadaynayo toona.

Halkaan ka akhriso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here