Xisbiga talada haya ee dalka Canada oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi

Xisbiga haya talada dalka Canada ayaa markale ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi inkastoo uu xisbigu lumiyay aglabiyadii kuraasta baarlamaanka.

Xisbiga Liberal’ka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare justin Trudeau ayaa ku guul dareestay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo hooyaan gobolada bari ee dalka Canada.

Doorashadii fadaraaliga ahayd ee dalka Canada ayaana u muuqatay mid afti loogu qaadayo Ra’iisul Wasaare Trudeau oo waayihii dambe wajahayay eedeemo dhawr ah.

Xisbiga Liberal’ka ayaana ku qasbanaan doono in heshiis uu lagaaro xisbiyada mucaaradka qaarkood loo soo dhiso dowlad wadaag ah.

Wali waxaa dhiman codadka qaar oo ee xubnaha baarlaamanka oo aanan latirinin lamana hubo halka ay codadkaasi aadi doonaan.

Waxaa xusid mudan in xilibaan Axmad Xuseen oo ahaa wasiirkii Socdaalka markale lasoo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here