Xukuno kala duwan oo lagu riday hoggaamiyaashii gobolka Katalooniya ee dalka Spain.

Maxakamada Sare ee dalka Spain ayaa xukuno kala duwan ku riday hogaamiyaasha gobolka Katalooniya ee dalka Spain.

Hogaamiyashaan ayaa lagu riday xabsi u dhaxeeyo sagaal iyo 13 sano iyagoona loo haysto doorkii ay ku lahaayeen aftidii ladoonayay in gobolka looga jaro Spain inteeda kale sanadkii 2017’kii.

Sadax eedeesane oo kale ayaa iyagana lagu helay dambi ah in ay u dhaga nug laan waayeen amarada dowladda.

Illaa iyo 12 siyaasi iyo kuwo u dhaq dhaqaaqo arimaha bulshada ayaa dafiray eedeemaha loosoo jeediyay.

Kooxaha gooni goosadka ayaa mudo qorsheenayay sidii ay gobolka Katalanooniya kaga jari lahaayeen Spain inteeda kale.

Xeerbeegtada Maxkamada Sare ee dalka Spain ayaa xukunka ugu dheer ku riday madaxwayne ku xigeenkii hore ee gobolka Oriol Junqueras, oo lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here